Tuesday, June 24, 2025

Diblomaasi Caan ah oo Weeraray Hab-dhaqanka Siyaasadeed ee Guddoomiyaha Gobolka Banadir C/raxmaan Yariisow

Diblomaasi hore iyo qoraa caan ah oo fadhigiisu yahay Mareykanka Abuukar Arman ayaa weerar ku qaaday hab dhaqanka siyaasadeed ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Abuukar Arman oo faallo ka bixiyey sawirro uu guddoomiye Yariisow soo dhiga baraha bulshada isagoo qaabilay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya ayuu ku dhaliilay in falka uu sameeyay Guddoomiye Yariisow ay ka tarjumeyso damiir la’aan.

“Anigoo ku ixtiraamayo. Tan oo kale dowladnimo kama tarjumeyso. Waxey ka tarjumeyso waa damiir la’aanta ummadda ku habsatay & dullinimada qaranka. Fadlan jiilka soo socdo oo aan rajeyneyno inay dullinimadan naga saaraan yaan damiirka laga dilin. Mahadsanid.'” ayuu yiri Diblomaasiga iyo qoraaga heer calaami ee Abukar Arman isagoo la-talinaya Guddoomiye Yariisow.

Abukar Arman ayaa hore u soo noqday wakiilka Somalia ee Q/Midoobay, wuxuuna wax ka qoraa arrimaha siyaasadda Geeska Afrika iyo Caalamka. Wuxuu ku baaqay in laga noqdo magacaabidiid Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Image may contain: 2 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON