Tuesday, June 24, 2025

Diblomaasi ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu ka noqdo magacaaabidda Kheyre oo…

Mid ka mida aqoonyahanadda Soomaaliyeed oo soo noqday diblomaasi ayaa oo hore ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu ka noqdo magacaabidda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay caqabadaha horyaalla dowladda Farmaajo.

Isagoo ka hadlayay dood ka dhacay magaalada Minnesota ayuu sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda ay ka mid yihin: Federalka,  Faragalinta shisheeye iyo Maamul goboleedyada.

Ambassador Abuukar Arman oo hore u soo noqday u qeybsanihii arrimaha Mareykanka ee Madaxweyne Sheekh Shariif, haddana ah qoraa ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa yiri: “Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waa nin saaxiibkey ah waana u hambalyeeyay markii la doortay, waxaan kula talinayaa inuu ka fiirsado shaqsiyaadka loo dhiibayo dhowr wasaaradood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha dibada, xiriirka caalamiga ah iyo Kheyraadka” .

Abuukar Armaan oo intaas ku sii daray “Madaxweynuhu markii uu Ra’isul Wasaaraha Cusub magacaabay waxaan u soo jeediyay inuu ka noqdo, waayo turxaan bixin laguma sameyn isaga iyo shirkadda Soma Oil and Gas ee uu ka tirsanaa”

Fursadaha muuqda ee dowladda  Farmaajo ayuu sheegay inay ugu muhiimsan tahay kalsoonida shacabka iyo hanka loo qabo inay waxqabad buuxa la yimaadaan iyo inay jirto fursad ay dib u heshiisiin ku billaabi karaan.

SourceHOL

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON