Tuesday, June 24, 2025

Digniin Culus oo laga soo saaray Dacwadda ka taalla Kursiga HOP067 iyo Guddiga xalinta khilaafaadka

Digniin culus oo hor leh ayaa laga soo saaray qaabka Guddiya xalinta khilaafaadka u wado dacwadda ka taalla Kursiga HOP067 ee lagu eedeeyay in loo boobay agaasimaha KMG ah ee NISA.

Nabaddoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo ah odayga leh saxiixa kursiga ayaa sheegay in Guddiga xalinta khilaafaadka ay 10 maalmood oo sharci darro ah ku darsadeen go’aankii ay soo saari lahaayeen, isla markaana muddo 6 maalmood ah oo ka baxday 10-kii maalmood aan wax shaqo ah la qaban.

Wuxuu caddeeyay inaysan Guddiga khilaafadka lasoo xiriirin, isla markaana ka qaban waayeen telefoonada, sidoo kalena kasoo jawaabi waayeen farriimihii ay u direen. “Waxa socda ma aha hubin iyo baaris waa dibindaabyo iyo wax is daba marin aan hore uga dignay..” ayuu yiri nabaddoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

Kursiga HOP067 ayuu sheegay inaan sidaasi lagu boobi karin, laguna qaadan karin oo uu yahay kursi ay leeyihiin beelo faro badan oo degaan balaaran dega, ayna ka fiirsan doonaan maamulka Galmudug, kana tashan doonaan maamulkaasi.

Wuxuu ugu baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu arrintaas soo dhex galo, kadib markii ay ka quusteen dhammaan dhinacyadii kale, taariikhdana u geli doonto waxa uu kursigaasi ku danbeeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON