Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin hor leh ka soo saartay Fatahaad laga cabsi qabo inay ka dhacdo Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobab la saadaalinayo inay ka da’aan gobollada Soomaaliya iyo dalka Itoobiya ay sababi karaan fatahaado waaweyn oo ay sameeyaan labada Webi ee Soomaaliya mara.
Magaalooyinka la filay inay daadadka iyo fatahaadda ka dhacdo waxaa ka mida: Baardheere, Dooloow, Jowhar, Beledweyne; waxaa kaloo dadaad looga cabsi qabaa oo digniintan ay ku socotaa Gobollada Baay iyo Bakool.
