Dowladda Somalia oo shaacisay inay bixineyso Shatiyadii ugu horeeyay ee Shidaal laga soo saarayo Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bixineyso bisha Disembar 2019 shatiyadii ugu horeeyay ee baarista iyo soo saarista Shidaalka iyo Gaas-ka Soomaaliya oo hore looga sahmiyay xeebaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka C/rashiid Maxamed Axmed ayaa isagoo jooga dalka South Africa, halkaasoo uu uga qeyb galayey shir looga hadlayo Gaaska iyo Shidaalka u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in Soomaaliya ay dooneyso in ay soo jiidato shirkadaha waaweyn ee maalgashiga ku sameeya soo saarka shidaalka, ayna bixin doonto shatiyo ay shirkaduhu ku tartami doonaan sanadka 2020-ka.

Ad

Wasirka ayaa sheegay inay soo bandhigeyaan ilaa 15 xirmo oo laga soo saarayo shidaalka ah, wuxuuna intaasi ku daray in maclumaadka laga hekay sahankii laga sameeyay 15-ka xirmo oo dhinaca badda ah laga bilaabo xeebaha Galmudug ilaa Xuduudka Kenya, iyadoo lagu tuhunsan yahay inay ku jiraan Keyd Shidaal oo lagu qiyaasay 30 bilyan oo fuusto.

Sharciga shidaalka ayaa lagu wadaa inuu ansixiyo Sharciga Shidaalka, iyadoo kadibna uu saxiixi doono Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,903FansLike
1,339FollowersFollow
3,543FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!