Wednesday, June 25, 2025

Digniin cusub oo laga bixiyay Qaraxyo iyo weerarro Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho

Digniin cusub oo amni ayaa laga bixiyey weerarro hor leh oo Alshabaab ka fuliso caasimadda Muqdisho, kadib weerarkii shalay iyo xalay ka dhacay Hotel Afrik.

Waxaa digniintan laga helay hay’adaha Amniga u qaabilsan AMISOM iyo Sirdoonka reer Galbeedka ee Xalane ka howlgala, iyadoo sidoo kale xogaha qaarkood ay sheegeen 2 ilaa 4 Gaari oo qaraxyo u diyaar ah kasoo baxeen Gobolka Shabeelada Hoose, kuna wajahan yihiin Muqdisho.

Goolaga la digay in weerarrada argagixiso ku wajahan yihiin ama ay suuragalka tahay in la beegsado ay ka mid yihiin xarumaha dowladda, Saldhigyo iyo Hoteelada Muqdisho ku yaalla.

Dingiinaha Amniga iyo weerarrada laga sii digo ayaa joogto ka ah gudaha gudaha ciidamada iyo saraakiisha Amniga, waxaana marmar farriimahaasi soo gaaraan shacabka iyadoo xilligan uu ka mid yahay waqtiyada ay Alshabaab kordhiso weerarrada, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kala guurka ah ee dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON