Sunday, July 13, 2025

Digniin laga bixiyay qaraxyo ku soo fool leh Muqdisho (Haweeney ajnabi ka mida is-miidaamiyeyaasha)

Wasaaradda ammaanka Qaranka ayaa soo saartay digniin ku saabsan heegan la geliyay ciidamada ammaanka iyadoo ay jiraan xaalado amaandarro oo laga casbi qabo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, waxaana lagu arkayaa wadooyinka caasimada ciidamo ilaalo ka haya oo baaraya gawaarida, taasoo mararka qaarkood keenta inuu cakirmo isu socodka.

ciidamada_Alfa_Group_Baaritaan

Afhayeenka wasaarada amniga Maxamed Yuusuf ayaa saxaafadda u sheegay inay jiraan xog ay heleen ciidamada ammaanka oo ku saabsan qaraxyo iyo ammaandarro a kooxaha nabad-diidka ah ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

[ad name=”HTML-3″]

Xogaha ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegaya in digniinta la bixiyay ay ka mid tahay haweeney ajnabi ah oo la sheegay inay wado gaari miineysan oo loo ekeysiin noocyada aanay xabbadu karin kaasoo lagu doonayo in lala beegsado garoonka diyaaradaha. Waxaa kaloo jira digniino kale oo ku waramaya gawaari kale oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la filay in loogu talogalay wadada maka almukarama.

Hore ayaa digniino noocan oo kale ah loo bixiyay, iyadoo inta badan aan la baajin qaraxyada ay soo maleegaan kooxda Alshabaab. Ciidamada ammaanka ayaa dhowaan sheegay inay degmada Hodon ka qabteen Mooto ay waxyaabaha qarxa ku rakiban yihiin.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON