Tuesday, June 24, 2025

Digniin laga bixiyey Dhulgariir la saadaaliyey inuu ka dhaco Xeebaha Gobolka Bari ee Puntland, Somalia

Waxaa soo baxaya warar ku saabsan in dhulgariir saameeyn ku yeelan doono xeebaha Gobolka Bari ee Soomaaliya, iyadoo laga digay inuu khasaare ka geysan karo degaanda ku teedsan xeebaha Gobolka Bari.

Hay’ad ka faalooda arrimaha dhulgariirka ayaa sheegtay  in dhulgariirku uu  Soomaaliya ka saameeyn doono Tuuladda Tuuladda Bareeda ee Gobolka Bari oo u dhow Degmadda Caluula. iyadoo uu heerka dhulgariirku yahay mid dhexe.

Waxaa lagu qiyaasay cabiraadda Dhulgariiryadda inuu noqon doono 4.5, halka qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM. Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-Jun-18 ayaa la sheegay in dhul gariirkaan la filayo inuu ka dhaco Xeebaha bari ee Soomaaliya, kaasoo xuduntiisuna noqon doonto Bareeda.

Faahfaahinta laga bixiyey dhulgariirkaan ayaa looga digay inuu geysan karo qasaare naf iyo maal leh, sidoo kale waxaa uu sababi karaa burbur dhismooyinka, waxaa warkan lagu daabacay barta ka faaloota musiibooyinka Dabiiciga ah ee natural Hazards.ch.

Dadka guryaha ku jira marka uu dhulgariirka Sameeyo  waxaa haboon in ay ka fogaaadaan darbiyada jilicsan, waxyaabaha soo dhacaya ee dhismooyinka saran, iyo in ay ka fogaadan Daaqadaha oo laga yaabo in ay soo go’aan.

Dadka Banaanka jooga ee aan ku jirin Dhismaha waxaa haboon in ay sameeyaan inta uu dhulgariirku socda in ay banaanka joogaan oo aysamn dhismooyinka galin ama aysan raadksan gabaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON