Thursday, June 26, 2025

Digniin laga soo saaray xaaladda Doorashada Madaxweynaha Somaliland & Dabaaldegyo bilowday

Iyadoo la sugayo natiijada doorashadii madaxweynaha maamulka Somaliland ee Isniintii loo dareeray ayaa waxaa digniin laga soo saaray dhacdooyin ka dhacay degaamo ka tirsan maamulkaasi.

Afhayeenka Guddiga Doorashada Somaliland Saciid Cali Muuse ayaa sheegay in ay jiraan Warar la isla dhexmarayo degaanada Somaliland iyo Dibadda oo ah in Xisbi kamida Xisbiyada u Tartamaya Doorashada Madaxweyne uu ku guuleystay Doorashadii dhacday islamarkaana ay bilaabeen Banaanbaxyo iyo Dabaaldagyo, taasoo uu ka digay inay sii socoto.

Afhayeenka ayaa dadkaasi uga digay in ay sameeyaan Arrimo la xiriira Been abuur iyo Borabogaando, wuxuuna caddeeyay inaysan natiijo soo baxday iyo sabab xilligan loo dabaaldego.

Wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Xisbiga Wadani uu dacwad u gudbiyay Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga kormeerayaasha ah, iyagoo ka cabanaya xarig iyo xubnihii u qaabilsanaa codadka oo la eryay qaarna la xiray.

Waxaa la arkayay iyadoo taageerayaasha xisbiyada Wadani iyo Kulmiye ay sameeyeen xaflad lagu dabaaldegayo iyadoo ku doodaya inay guuleysteen musharaxyada labadaas xisbi ee ah kuwa isku haya doorashadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON