Wednesday, July 2, 2025

Digniin loo diray Sarakiisha & Dadweynaha hubka ku heysta Guryaha iyo Howlgal bilaabanaya Caasimadda

Maxkamadda ciidamaa Qalabka sida ayaa digniin u dirtay sarakiisha ciidamada dowladda  ee la sheegay inay hubka sharci darrada ah  ku heysta Guryahooda, kasoo ka badan difaaca nafta.

War kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare C/llaahi Buule Kamey ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Ciddii lagu helo, iyadoo  hub sharci daro ah ku dhex heysata xaafadaha degmooyinka Gobalka Banaadir.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah dadka hubka ku dhex sida xaafadadaha Muqdisho, isagoo amray in si degdeg ah loo diiwaangaliyo hubka iyo Gaadiidka ay leeyihiin Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay in kiisaska denbiyada ah ee hor yimaada Maxkamadaha lagu dalo hubka ciidamada, dadka qaarkoodna ay heystaan hub culus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON