Tuesday, July 8, 2025

Digniin loo jeediyay Maamulada & kooxaha ka horjeeda heshiiskii madaxda Soomaalida ee Muqdisho

War-murtiyeedii ka soo baxay shirkii wadatashiga Soomaaliya oo looga hadlay arrimaha hiigsiga cusub iyo qaabka doorasho loo gaarsiin karo dalka ayaa lagu soo daray qodob ka hadlaya in tallaabo laga qaadayo ciddii isku dayda inay ka hor timaada dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Odowaa-Biixi

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay in dowladdu inay ergadu isku raacday inaan loo dulqaadan cidkasta oo ka hortimaada qodobadii kasoo baxay shirka.

Lama oga cidda loo jeedo ee sida gaarka ah loo tilmaamayo, laakiin ilaa iyo hadda  waxaa jira qeybo ka soo horjeeda shirka wadatashiga oo caddeystay inaysan quseynin wixii ka soo baxa shirkaasi sida kooxda Ahlu suna ee gobolada dhexe oo ah kooxda kaliya ee hubeysan ee farta lagu fiiqi karo.

Alshabaab oo dagaal kala dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa ka baxsan kuwo ay saameyn ku leedahay hanjabaadaasi.

 DHAGEYSO CODKA ODOWAA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON