Dadka Gobolka Hawai ee Mareykanka ayaa xaalad argagax iyo cabsi ah ku jiray muddo ka badan 30 daqiiqo kadib markii ay heleen farriin digniin ah oo sheegeysa in Weerar Gantaal ku soo fool leeyahay oo ay raadsadaan meel ah galaan.
Farriinta digniinta ah ayaa laga soo diray Wakaalada xaaladda degdegga ah ee Hawaii, waxayna farriinteeda ku sheegtay: “Weerar Gantaal balastic ah ayaa ku soo socda Hawaii, si degdeg ah u raadso gabaad..” waxayna arrintan cabsi weyn ku dhalisay dadka degan jasiirada caanka ah ee Hawaii.
Farriinta ayaa ahayd been abuur, waxaana markaas kadib dadka loo sheegay in farriinta ay si khaldan uga soo baxday wakaaladda, isla markaana aysan waxba ka jirin weerarka ay faafisay inuu ku soo socdo Jasiirada Hawaii.
Bayaan uu soo saaray Booliska magaalada Honolulu ayaa lagu sheegay in farriinta ay ahayd mid been ah oo si khalad ah u soo baxday, wax halis ahna aanay jirin. waxaana dadka xaaladooda la dejiyay 38 daqiiqo kadib, markii ay farriintii hore heleen.
Barasaabka gobolka Hawaii ee waddanka Mareykanka, David Ige, ayaa sheegay in mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taasoo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahay.
Dhowaan ayaa la tijaabiyey nidaamka digniinta hubka niyukliyeerka ah ee jasiirada Hawaii iyadoo laga cabsi qabay hanjabaadda Waqooyiga Kuuriya. Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in markii ay digniintan soo baxday uu ku howlahaa ciyaarta Golf-ka.