Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maqribnimadii caawa uu dil ka dhacay halkaasi.
Koox bistoolado ku hubeysan ayaa isgoyska Siinaay ee Degmada Warta Nabadda toogasho ku dishay nin gaadiidka BL-ka ah rara.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ahaa Kaariyaasha gaadiidka rara oo weliba jiis ahaa, iyadoo dhowr rasaas oo lala helay qeybtiisa hore ee jirkiisa dartood uu isla goobta ku geeriyooday.
Dableyda falka dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka.
Goobjooge.com