Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysteen xaafad ka mida magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay goob Baabuurta laga raaco xaafadda Daallo ee degmada H/wadaag, waxaana koox hubeysan ay toogasho ku dileen qof ka mid ahaa dadka ka shaqeeya Busteejada oo la sheegay inuu gaadiidka lacag ka qaadan jiray.
Kooxda dilka gaysatay oo ku hubeysnaa Bistoolado, ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo muddo kadib ay galkaasi gaareen ciidamada amniga oo baaritaan halkaasi ka sameeyay.
Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada gadiidka ka shaqeeya, isagoo halkaasi caan uu ka ahaa, lama oga sababta keentay in la toogto, waxayna ka mid yihiin falalka dilka ah ee joogtada uga dhaca magaalada.