Monday, July 14, 2025

Dil ka dhacay Afgooye & howgall ciidan oo saaka ka socda Magaalada

Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi xalay ay koox hubeysan ku dishay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dilkan ayaa ka mida dilal xiriir ah iyo xaalad amaandarro oo hareysay degmada Afgooye, taasoo keentay in saaka howlgal ballaaran ay ka wadaan ciidamada ammaanka oo lagu fidiyay xaafadaha degmada Afgooye.

Ciidamada ayaa galay xaafadaaha qaarkood, waxayna baaritaan ku sameynayaan Dadka iyo Gaadiidka oo la baadi goobayo xubno la sheegay inay Alshabaab ka tirsan yihiin iyo qaar falal ammaandarro ah ka geystay degmada.

 

Waxaa dhowaan degmada Afgooye lagu qabtay laba nin oo la sheegay inay Alshabaab ka tirsanaayeen oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON