Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysteen xaafadda Dhagaxtuur, iyagoo ku dilay qof shacab ah.
Koox bistoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dishay nin magaciisa lagu sheegay Asad Maxamed Qaasim (Asad Gaab), waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday raggii dilkaasi geystay, iyadoo markaas kadib ay goobta tageen ciidamada amniga degmada Afgooye.
Wararka ayaa sheegaya in dilal qorsheysan oo xowli ku socda ay ka dhacayaan degmada Afgooye, kuwaasoo u dhaxeeya kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waxaana degmadaasi lagu dilay rag fara badan oo Daacish ka tirsan, kuwasoo ay ugaarsanayaan dableyda Alshabaab.
Loolanka u dhaxeeya labadan kooxood ayeysan war u heynin hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka oo labada kooxoodba ay dagaal kula jiraan.