Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dil khaarijin ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkeynley.
Koox Bistoolado ku hubeysan oo ka kooban saddex qof ayaa la sheegay in Suuqa Boocle ee degmada Dharkenley ay dileen askari ka tirsan Dowladda hoose, iyagoo dhaawacay askari kale.
Kooxdan ayaa goobta ka baxsatay markii ay falka dilka geystay, waxayna wararku sheegayana in muddo kadib ay halkaasi gaareen ciidamada ammaanka.
Falalka dilalka qorsheysan oo si weyn ugu soo batay caasimadda ayaa yaraaday dhowrkii maalmood ee ug danbeeyay.
Goobjooge