Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysatay magaalada.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Wadajir, waxaana halakasi lagu khaarijiyay askari ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliyeed, markii rasaas fara badan lag furay.
Laba dabley ah oo dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ammaanka oo baaritaan sameeyay isla markaana meydka askariga ka qaaday halkaasi.
Goobjooge.com