Koox burcad ah ayaa xlaya agaalada Muqdisho ku dishay wiil dhalinyaro ahaa oo dhowaan ka qalin jebiyey mid ka mida Jaamacadaha caasimadda.
Dilka ayaa ka dhacay xaafada Buulo Xuubeey, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana dilka wiilka dhalinyarrada ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Nuur (Axmed Keyse) geystay koox burcad ah oo ka dhacayey Mobile uu watay, markii uu diidayna ay toogteen, kana baxsadeen goobta, kana qaateen agabkii uu watay.
Allaha u naxariistee Axmed Keyse ayaa dhowaan difaacday Buuggii qalin jebintiisa, waxayna ehelkiisa iyo saaxiibadii aad uga xumaadeen sida xaqdarrada ag ee loo dilay wiilkan oo loo dilay Telefoon Mobile ah dartiis.
Kooxaha Burcadda ee ka qowleysta magaalada Muqdisho oo mararka qaarkood xoogeysta ayaa waxaa muuqata inaan muddooyinkaan danbe waxba laga qaban.

