Saturday, June 28, 2025

Dil Naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb & ciidamada oo gacanta ku dhigay ninkii dilka geystay

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu k dhacay dil naxdin leh, kadib markii uu nin dhalinyarro ah ku dilay xalay Nin ay walaallo ahaayeen.

Dilkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii muran Qoys soo dhex galay, wuxuuna dilku ka dhacay xaafadda Waaberi ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu baxsaday ninkii dilka geystay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Raagge.

Ciidamada Amniga ee magaalada Dhuusamareeb ayaa wada baaritaan ay ku baadi goobayaan ninka dilka geystay ee baxsaday, iyadoo aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON