Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ku fulisay toogasho lagu xukumay Dil-suge Xasan Aadan Isaaq Cali.
Ninkan ayaa hore loogu soo eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ku qarxay, iyadoo ciidamada amniga ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.
Ninka maanta la toogtay ayaa maxkamadda Ciidamada ay dacwadiisa 1-dii Bishii Janaayo 2018, iyadoo xukun dil toogasho ah lagu xukumay 6-dii Febraayo 2018.
Xeer ilaliye kuxigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kabtan Muumin Xuseen C/llaahi ayaa toogashada lagu fuliyey Xasan Aadan Isaaq kadib warbaahinta u sheegay in xukunka dilka ah uu u dhacay sidii loogu tala galay.
Waa xukunkii ugu horeeyay ee dil toogasho oo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay fuliso tan iyo markii uu talada dalka uu la wareegay madaxweyne Farmaajo ku dhowaad 2 sano.
HOOS KA DAAWO