Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday laba maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee caasimadda Muqdisho.
Cumar Aaadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muudey oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa lagu helay inay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ku dileen laba askari oo kala tirsan ciidamada ilaalada degaanka iyo Milateriga.
Xeer ilaalinta Maxkamadda kusoo eedeeysay labadan dembiile inay 13-kii November 2019 ay si wadajir ah u dileen Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena dileen Cabdullaahi Axmed Hilowle oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka
Ciidamada dhar-cadka NISA ayaa gacanta ku dhigay labadan dhagar-qabe oo midkood dhaawac culus soo gaaray, waxaana in mudo ah ku socotay daweyn iyo baxnaanin.
Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in, kadib markii ay qirteen dilalka ay geysteen iyo markhaatiyaal ku cadeeyay lagu xukumay dil toogasho ah, isla markaana ay u furan tahay inay racfaan qaatan.
