Koox hubeysan ayaa caawa dil ka geysatay Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Kooxdan oo ku hubeysneyd Bistoolado ayaa askari ka tirsan ciidamada dowlada ku toogtay agagaarka Tabakaayo Madow iyadoo markii ay dileen askariga ayaa la sheegay inay baxsadeen, waxayna ka qaateen Qori uu watay.
Waa markii ugu horeysay ee askari la dilo qoriga laga qaato, lamana oga in ay yihiin kooxo ay xurguf kala dhaxeysay askariga la dilay iyo inay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab.
Falka dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda oo xiray goobta falku ka dhacay, iyagoo baaritaan aan cidna lagu qaban ka sameeyay halkaasi.
Goobjooge.com