Weerarro kala duwan oo sababa dhimash iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo Magaalada ayaa shegay in koox hubeysan ay rasaas ku fureen askari ku jiray Maqaayad ku taalla degmada Heliwaa, halkaasoo askarigii uu ku dhintay. waxaana goobta ka baxsaday dableyda weerark geysatay.
Dhinaca kale koox kale oo bistoolado ku hubeysan ayaa isla maanta weerar ku qaaday Mooto Bajaaj uu saarnaa askari ka tirsan ciidamada dowladda, weerarka oo ka dhacay Isgoyska bakaaraha ee degmada Hodon. waxaana weerarka ku dhintay darawalkii Mootada iyadoo askariga uu dhaawac culus soo gaaray.
Waa markii saddexaad ee maalmo gudahood askar lagu dilo isgoyska Bakaaraha, iyadoo shalay ay ahayd markii weerar kale uu ka dhacay.
Goobjooge.com