Tuesday, June 24, 2025

Dilal kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dilal kala duwan ay ka dhaceen saaka laba ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dilka hore ayaa ka dahcay agagaarka dalcadda Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan, iyadoo halkaasi ay koox hubeysan ku toogteen nin la sheegay inuu u shaqeeyo mid ka mida shirkadaha bixiya addeega Internet-ka.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa la sheegay inay degdeg uga baxsadeen goobtai, waxaana markii daanbe halkaasi tegay ciidamada amniga oo ka qaaday maydka qofka la dilay oo aha nin meel dhexaad ah.

Dhinaca kale waxaa saaka dil ka dhacay Xaafadda Baar Ubax, gaar ahaan Masjidka Xareed dhinaca suuqa bakaaraha, waxayna dadka goobjooga ah sheegeen in halkaasi lagu dilay nin dhalinyaro ah oo koox bistoolado wata ay toogteen.

Dilka ninkan ayaa la sheegay inay geysteen kooxdan oo ahayd burcad dooneysay inay ka dhacaan Taleefan Mobile ah oo uu watay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON