Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay falal dilal kala duwan ay ka dhaceen caasimada saacadihii ugu danbeeyay.
Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa isgoyska Sanca ku toogtay nin la sheegay inuu gacan ka-hadal dhex maray askariga, kadib marki uu toorey ku dhaawacmay, waxaana dadka qaarkiis ay sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa mid aan miirkiisu taam ahayn.
Dhinaca kale dabley ayaa degmada Yaarshiid, gaar ahaan Suuq Bacaad ku tilay nin ka mid agaa ganacsatada Suuqaasi ee iibiya qalabka dhismaha, kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday markii ay dilka geysteen.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta falkaasi ka dhacay, waxaana joogsaday isu-socodka dadka iyo gaadiidka, kadib markii ay howlgal baaritaan ah halkaasi ka sameeyeen, inkastoo aan cidna lasoo qaban.