Sunday, July 13, 2025

Diyaarad ku dhacday Saldhigga Mareykanku maamulo ee Balli-Doogle iyo Faahfaahin

Faahfaahin dheeraad ah ayaa lagaa helayaa Shil diyaaradeed oo shalay Gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xerada Ballidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose oo Mareykanku maamulo.

Shilkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay, kadib markii ay dhacday diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Danab iyo Askarta ATMIS ee Midowga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda dhacday ay ku dhinteen ilaa 4 askari oo ka tirsan Danab, ayna ku dhaawacmeen kale, sida laa soo xogtay ehelada iyo saraakiil Soomaali ah.

Waxaa kaloo la sheegaya inay dhawacmeen Duuliyiii Diyaaraddda, laba askari oo Ugandes ah, xilliga shilka diyaaradda ayaa waxa socday tababar ku saabsan sida loo howlgeliyo diyaaradaha Qumaatiga u kaca.

ATMISoo War kasoosaartay ayaa wax laga xumaado ku tilmaannay in 3 ka mida 11 Askari ee saarnaa diyaaradda ay naftooda ku waayeen. 8 sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo.

Madaxa ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii dhintay, wuxuuna u rajeeyay saraakiishii dhaawacantay bogsasho degdeg ah. ATMIS ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON