Sunday, June 29, 2025

Diyaarad laga diray Muqdisho oo Ciidamo ka dejisay Magaalada Baydhaba & Xaalad ka dhalatay Arrintan

Wararka laga helayo magaalada Baydbaba ee xarunta KMG ah ee Maamulka K/Galbeed ayaa sheegay inay halkaasi gaareen ciidamo ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo laga diray magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Shaatigaduud ka dejisay diyaarad xamuul, waxayna ku lebisan yihiin dareyska ciidamada Booliska, iyadoo la sheegay inay yihiin ciidamada gaarka ah ee Booliska Soomaaliya oo ilaalin doona doorashada madaxweynaha K/Galbeed ee magaalada Baydhaba dhowaan ay ka dhici doonta.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maanta la geeyay magaalada Baydhaba ay ka badan yihiin 50 askari, iyadoo ujeedkooda aan la ogeyn, isla markaana aanay ka hadlin wasaaradda amniga mamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa ka digay faragelinta dowladda Somalia ku heysto doorashada K/Galbeed, waxayna dalbadeen in ciidamadaasi dib loo celiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON