Monday, June 23, 2025

Diyaarad & Saraakiishii Imaaraadka ee lagu xayiray Garoonka Boosaaso oo la fasaxay & Wararkii ugu danbeeyay

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay la fasaxay  diyaarad iyo saraakiil Imaaaraad ah oo ku xayirnaa garoonka magaalada Boosaaso.

Madaxda Puntland ayaa la sheegay inay arrinta farageliyeen arrintan iyadoo la fasaxay diyaaradda oo goor dhoweyd ka duushay Garoonka magaalada Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha Imaaraadka loo ogolaaday xamuulkii ay wateen inay la raacaan diyaaradda kadib markii la baaray oo la hubiyey, iyadoo loo diiday inay wax hub ah la raacaan Diyaaradda.

Saraakiisha Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa diiday in wax hub ama saanad ah ay saraakiisha Imaraadka la raacaan diayaradda, amarkaas oo lagu fuliyey, waxaana halkaasi ku soo gabagaboobay is mari waa ku dhowaad 3 saacadood ka socday garoonka Boosaaso.

Ad

Saraakiisha Imaaraadka oo ahaa saraakiil milateri oo degaanada Puntland ka howlgala, iyadoo arrintan timid kadib markii ay diideen in la baaro Boorsooyin iyo Sanaadiiq ay wateen.

Horaantii toddobaadkan ayay ahayd markii diyaarad lacag siday oo u socotay safaaradda Imaaraadka lagu xayiray Garoonka magaalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON