Friday, June 27, 2025

Diyaarad siday 256 rakaab ah, kuna sii jeeday Mareykanka oo Degdeg loo dejiyey, kadib..

Diyaarad rakaab oo ku sii jeeday dalka Mareykanka ayaa degdeg loo dejiyay kadib markii halka diyaaradaha laga hago lagu arkay qiiq kasoo baxaya.

Diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Mareykanka ee United Airlines, oo ahayd nooca Boeing 787-900 ayaa ka timid magaalada Melbourne, dalka Australia, iyadoo ku sii jeeday magaalada Los Angeles, ee dalka Mareykanka, waxaana xaaladda degdega ah ee soo wajahday ay keentay in saaka la dejiyo.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 256 qof oo rakaab ah ayaa si nabad ah ku degtay Garoonka diyaaradaha La Tontouta airport ee caasimadda jasiirada New Caledonia oo lagu magacaabo Noumea.

Xaaladda rakaabka ayaa degan iyadoo laga dejiyay diyaaradda oo xaaladeeda la hubinayo, sida ay sheegeen saraakiisha Garoonka diyaaradda la dejiyey.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo 157 qof ay ku dhinteen diyaaradii Ethiopian Airlines ee 10-kii Maarso ku burburtay duleedka magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON