Diyaarad miig ah oo nooca dagaalka ah oo uu Ruushka leeyahay ayaa aad ugu dhawaatay diyaarad uu Maraykanka leeyahay oo ah kuwa wax basaaso oo ku sugneyd hawada sare ee Badda madoow.
Farqiga masaafada ee labada diyaaradood ay isu jirsadeen ayaa ah 1.5 mitir (Mitit iyo bar) oo kaliya, taas oo ah arrin halisteedu badan tahay, kana dhalan kartay inay labada diyaaradood isku dhacaan.
Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradda Ruushka ay daba socotay diyaaradooda muddo 2 saacadood ah, balse Ruushka waxa uu sheegay in aysan jirin wax qalad ah oo dhacay.
Arrintan ayaa waxa ay ka dhacday hawada caalamiga ah, halkaas oo ciidamada Ruushka iyo kuwa NATO ay ku wada sugan yihiin.
Maraykanka waxa ay sheegeen in diyaaradda Ruushka ay soo gashay qadkii ay ku duuleysay tan Maraykanka, waxayna Ruushka ugu baaqeen in ay ku dhaqmaan shuruucda caalamiga ah ee isticmaalka hawada iyo ka hortagista suurtagalnimada shilal dhaca.
Ruushka ayaa taas kaga jawaabay in diyaaradooda ay ku socotay khadadka caalamiga ah, isla markaasna duuliyeyaasha ay isku dayayeen in diyaaradda Maraykanka aysan kusoo xad gudbin hawada Ruushka.