Saturday, June 28, 2025

DEGDEG: Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo duqeeyay xarun Alshabaab ku leeyihiin duleedka Buuloburte

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ciidamada Itoobiya ay duqeyn cirka ah ka geysteen xero tababar oo Alshabaab ku leeyihiin duleedka magaalada Buuloburte.

Weerarka oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay ciidamada Itoobiya ee Cirka ka fuliyaan degaankaasi ayaa la sheegay in dhowr gantaal ay ku rideen xerada Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa ku waramaya in duqeynta diyaaradaha dagaalka Itoobiya laga dareemay Buuloburte, iyadoo qasaare kasoo gaaray kooxda Alshabaab.

Faahfaahin dagaalka ayaa hadda uun soo baxaya, waxaana la sheegay in Alshabaab ay xeradaasi ka qorsheynayeen dagaalo ay la beegsaday xerooyinka AMISOM ee gobolka Hiiraan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON