Sunday, March 26, 2023

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo soo riday Buufinkii Shiinaha ee khalkhalka geliyay

Diyaaradaha dagaal ee Maraykanka ayaa soo riday Buufin-kii Shiinaha oo la sheegay inuu ahaa mid basaasnimo loo adeegsaday, kadib markii uu galay hawada Mareykanka.

Buufinkaasi oo xiisad ka dhex dhaliyay Mareykanka iyo Shiinaha ayaa lagu soo riday xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay uu galay hawada sare ee dalka Maraykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo rido Buufinka, laakiin Gaashaandhigga dalkaasi uu sugay inta uu ka gaarayo Badda, si looga ilaaliyo inuu ku dul dhaco dhul la degan yahay.

Ad

Diyaaradaha dagaalka F-22 iyo kuwa milateriga ayaa ka qayb qaatay howlgalkan lagu fuliyay Buufinkaasi, waxaana lagu burburiyay Gantaalka AIM-9X oo loo adeegsaday in lagu qarxiyo.

Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xiriira cilmibaaris, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firirka Buufinka uu gaaray in ka badan 10KM oo Gudaha Badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ay leeyihiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!