Taliye ka mida ciidamada Puntland ayaa dingiin kasoo saaray in diiwaangelin doorasho la isku khilaafsan yahay laga sameeyo Gobolka Nugaal, gaar ahaan caasimadda Puntland ee Garowe.
Taliyahan oo madax ka ah labaad Kumaandooska Puntland ee DANAB, Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, ayaa qoraal uu saaray ku sheegay inaysan Garoowe ka dhici doonin diwaangalin doorasho oo la isku khilaafsan yahay.
Sarkaalkan ayaa caddeeyay in ciidamadiisa ay madax bannaan yihiin, wuxuuna ka digay in masuuliyada wixii ka dhashana diiwaangelin doorasho aan lagu hehiin ay qaadi doonto ciddii ku dhaqaaqda, wuxuuna ku dooday inay u dhaarteen ilaalinta dastuurka iyo sharafta dadweynaha.
Jeneraal Jimcaale ayaa la sheegay inuu xukumo ciidamo xoog leh oo degan duleedka magaalada Garoowe, waxaana Puntland ay ciidamadeeda u qeybsan yihiin hab beeleed, iyagoo heysta hub culus.
Maamulka Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa dhaqaajiyay doorasho qof iyo cod ah, iyagoo iska dhega tiray ururro iyo siyaasiyiin ka hor yimid qorshahan oo ku tilmaamay mid uu Deni doonayo inuu doorashada ku boobo.

