Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Duqeyn cusub ay ciidamda Mareykanka ku qaadeen horjoogayaal iyo maleeshi k atirsan Alshabaab.
Duqeynta ayaa xalay ka dhacday degaanka Iidow Jalaad oo khayaas ahaantii 30 KM u jira degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana warar kala duwan kasoo baxeen qasaaraha Alshabaab kasoo gaaray.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaasheegay in duqeyntaasi lagu dilay ilaa 6 qof oo ka tirsan Shabaab kuwaasi oo isugu jira horgoogayaal maleeshiyaad oo Alshabaab katirsan.
C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegayaa in xiligii falka uu dhacayay Shabaabku ay saarnaayeen Mooto Bajaaj halkaasi ku safraysay,mana jirto faah faahin intaasi sii dheer.
Mas’uuliyiinta Gobolka ayaaa sheegaya in aanay jirin inta la ogyahay wax dhibaato ah oo ka soo gaartay dadka shacabka ah ee kunool deegaankaasi.