Tuesday, July 1, 2025

Diyaaradaha Mareykanka oo Sh/Hoose ku duqeeyay Gaari ay saaran yihiin waxyaabo Qarxa

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo nooca Drone-ka ah ay duqeysay gaari ay saaran yihiin waxybaaha qarxa.

Gaarigan ayaa la sheegay in xilliga la beegsaday uu marareyay deegaanka Ilimey ee tuulada Farsooley  oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, wuxuuna  ahaa Gaari weyn oo xamuul ah, lagana cabsi qabay inuu ku socday magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in duqeynta kadib la maqlay Qarax weyn oo gaariga qabsaday iyo isagoo si ba’anu gubtay, waxaana ku dhintay ilaa 5 qof oo Alshabaab ka tirsan oo la socday.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Wakaalada wararka  Reuters in duqeyntan lala beegsaday Gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Sh/hoose ayaa ah xarunta ay Alshabaab ku soo diyaariyaan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo gaadiidka la soo miidaamiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON