Waxaa saaka garoonka magaalada Muqdisho ka degtay diyaaradii saddexaad oo sida gargaar caafimaad uu amray boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis in loo diro Soomaaliya.
Diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka Boqortooyada Sacuudiga oo siday Deeq Dawo ah, ayna la socdeen koox ka tirsan xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka arrimaha Bani’aadamnimo.
Sacuudiga ayaa dhowaan Muqdisho geeyay laba diyaaradood oo gargaar dawo ah siday, waxayna imaaneysaa xilli ay laba bilood la soo dhaafay xaaladii degdega ahayd ee ka dhalatay qarixii weynaa ee Muqdisho ka dhacay 14-kii Oktoobar.
SAWIRRO