Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay duqeyn ka fulisay diyaarad nooca Drone-ka ah oo ay leedahay dowladda Kenya.
Duqeyntan ayaa xalay xilli dambe ka dhacday degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in lala beegsaday Guri ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana war ay baahisay warbraahinta Alshabaab lagu sheegay inay duqeyntaasi dhalisay qasaare.
Waxaa duqeynta ku dhimatay Hooyo, halka Shan caruur ah oo ay dhashayna ku dhaawacmeen duqeyta, sida laga soo xigtay aabaha qoyskaasi oo magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Sheekh Cabdi.
Dadweynaha degaankaasi ayaa u gurmaday qoyska la duqeeyay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay duqeynta gurigan ay deganaayeen dadka rayidka ah.
Warar kale ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen degaano kale oo ka mida Gobolka Gedo.
