Wararka laga helayo buuraha Galgala ee gobolka Bari, maamulka Puntland ayaa sheegaya in habeenadii ugu dambeeyay ay diyaarado dagaal oo aan haybtooda la aqoon duqeynayeen buurahaasi oo xarun u ah koox Alshabaab taabacsan oo markii dambe ku biirtay Daacish.
Dadka degaanka ayaa sheegaay in diyaaradahan ay ka yimaadaan dhinaca badda, kana soo duulaan maraakiibta dagaal ee Badda ku sugan, iyagoo oo aan la aqoon dalka laga lee yahay.
Duqeymaha qaarkood ayaa saameyn ku yeeshay degaanada dadka shacabka iyo xoolahooda, mana jiraan caddeyno ku saabsan khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah iyo xoolahooda.
Goobjooge.com