Sunday, July 13, 2025

Diyaarado Drone ah oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho iyo Xildhibaan sheegtay inuu leeyahay

Ciidamada Amnifa Garoonka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Mqudisho ayaa dhowaan qabtay diyaarado nooca Drone-ka ah oo la sheegay in laga soo iibiyey dalka Turkiga.

Diyaaradaha ayey tiradoodu gaareysaa lix xabo, waxaana Garoonka Muqdisho looga soo dejiyey xamuul ahaan, iyadoo ku jira Sanduuqyo xiran oo ku baahan in rakibo, waxaana la socday laba Injineer oo Turki ah, kuwaasi oo la doonayay inay rakibaa oo howl-geliyaan.

Lahaanshaha Diyaaradaha ayaa la sheegay inuu sheegtay Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ah xildhibaan ka tiran baarlamaankii 10-ad, wuxuuna ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland.

Injineeradii Turkiga ahaa ayaa wararku sheegayaan in lasii daayey, markii ay arrintooda xalisay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Isha: Caasimadda

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON