Sunday, July 13, 2025

Diyaarado Drone ah oo lagu weerarray Sacuudiga & Xuuthiyiinta oo sheegtay weerarka cusub…

Ciidamada difaaca hawada Sacuudiga ayaa maanta shaaciyey inay soo rideen laba diyaarad oo is-wada ee (Drone) ah oo ay kusoo weerareen Xuutiyiinta dalka Yemen, sida sheegtay Wakaalada Wararka Sacuudiga.

Diyaaradahan ayaa beegsaday magaalada Khamis Mushait ee koonfurta dalka Sacuudiga, hase yeeshee ma sababin wax khasaare nafeed ah ama waxyeelo, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakalaadda wararka Sacuudiga ee SPA, oo kasoo baxay isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa taleefishinkooda Al-Masirah ka sheegtay inay beegsadeen saldhigga ciidmada cirka ee King Khalid ee magaalada Khamis Mushait, waxayna sheegeen inay qeyb ka ahaayeen weerarro cir iyo dhul ah oo ay ku ekeeyeen Gobolk Gizan ee Sacuudiga.

Dagaalka Yemen ee Sacuudiga uu hoggaamiyo oo socda in ka badan afar sano ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, oo badankood ay yihiin dad rayid ah, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, waxaana ka dhashay cambaareyn caalami ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON