Thursday, May 2, 2024

Dowladda Kenya oo xirtay Xuduudka Gobolka xeebta iyo Somalia [Ciidamo badan oo la dhoobay.]

Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ciidamo fara badan la soo dhoobay xuduudka labada dal, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya.

Xuduudka Somalia iyo Kenya ee dhinaca Lamu ayaa gebi ahaan la xiray, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidamada Kenya oo ka dhan ah koox ka tirsan Alshabaab oo laga cabsi qabo inay gudaha u galeen dalka Kenya.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray warbixino ay sirdoonka Kenya bixiyeen oo ku saabsan in weerarro laga cabsi qabo in Alshabab ay ka geystaan gudaha Kenya. Sida uu sheegay taliyaha Boolisak Lamu Mr Muchangi Kioi in xuduudka Somalia ay kaliya u furan tahay ciidamada.

Ad

Arrintan ayaa saamen ku yeelaneysa xiriirka ganacsi ee xuduudka labada dal isaga gudbi jiray, waxaana la mamnuucay dhaqdhaqaaqayada ganacsi ee u kala socday labada dal, iyadoo ganacsatada looga digay in lagala wareegi doono ganacsigooda haddii ay isku dayaan inay ka tallaabiyaan xuduudka, lana xiri doono.

Kenya ayaa hore uga mamnuucday kalluumeysatada dalkaasi degaanada xeebta ee u dhow xuduudka Somalia.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON