Sunday, July 13, 2025

Diyaarado goor dhow duqeeyay Saldhig Ashabaab ku lahayeen duleedka Basra, Balcad

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeyn culus ka geysteen duleedka degaanka Basra ee duleedka degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Mareerey oo 6 KM u jira Basra, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay saldhig u ahayd Alshabaab  oo ay ka soo abaabulayeen weerarka ay ku qaadeen degaanka Basra.

Ma cadda qasaaraha gaaray sladhigga Alshabaab, waxaana goobtaasi la xaqiijiyay inay ahayd xarun weyn oo Alshabaab halkaasi ku lahaayeen, iyadoo ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa Alshabaab ay maalmihii ugu danbeeyay  ku dagaalamyeen tuulooyin ka tirsan degmada Balcad.

Ciidamada Mareykanka ee taageeraya kuwa Soomaaliya ayaa si weyn u kordhiyay duqeynta ay ku qaadayaan Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON