Diyaarado aan la aqoon ayaa waraaqo ku daadiyay degaanada ay maamusho kooxda Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya.
Waraaqaha oo lagu arkay degmooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana waraaqahaasi ku qornaa farriimo maleeshiyada Alshabaab loogu sheegayo inay ka goostaan ururka Alshabaab kana faa’iideystaan cafiska 60-ka casho ee madaxweyne Farmaajo.
Diyaaradaha fariimahaasi daadiyay ayaa la sheegay inuu Mareykanku lahaa, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo AMISOM iyo dowladda Federaalka ay sheegeen inay howgal milateri ku qaadi doonaan Alshabaab.
HOOS KA AKHRISO