Diyaargarow xoog leh ayaa ka socda Gobolka Gedo gaar ahaan degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo oo maanta lagu soo dhoweynayo Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaand C/rashiid Xasan C/Nuur (C/rashiid Janan) oo heshiis la galay dowladda Federaalka.
Waxaa isla maanta ku sii jeeda Doolow Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya, waxaana shalay la geeyay Gaadiidka aanay xabbadu karin, iyadoo wararku sheegayaan in C/rashiid Janan iyo ilaa 200 askari ay kasoo gudbayaan Xuduudka Kenya, laguna soo dhoweynayo Beledxaawo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Fahad Yaasin iyo ku xigeenkiisa C/llaahi Kulane ay arrintan kasoo shaqeeyeen, iyadoo ciidamada la socda C/rashiid Janan ay la wareegeyso dowladda Federaalka, halka C/rashiid Janan uu imaanayo Muqdisho, isla markaana ay cafis loo fidin doono, iyadoo kadibna loo qabanqaabiyey in dalka dibaddiisa loo diro.
Qoysaska iyo eheleda C/rashiid Janan ayaa saaka kasoo gudbay Mandhera, Kenya, iyadoo la keenay degmada Beledxaawo, waxaana magaalada ka socda diyaar garow weyn uu ka socdaa magaalada Beledxaawo oo ay gaari doonaan madaxda NISA.
Wafdi ay hogaaminayaan Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxman Kulmiye iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta C/rahman Yuusuf Cadaalla ayaa goor dhoweyd gaaray Degmadda Doolow, iyagoo qeyb ka ah soo dhoweynta C/rashiid Janan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilkii uga qaaday Wasiirkii Amniga C/rashiid Janan, arrintan oo soo xaqiiijisay isbedelka weyn ee ka dhacay Gobolka Gedo.
