Tuesday, July 15, 2025

Donald Trump iyo xubo ka mida maamulkiisa cusub oo isku dhacay

Xubno ka mida maamulka madaxweynaha cusub ee Mareykanka u magacaabay jagooyin waaweyn ayaa ka hor yimid aragtida Donald Trump.

Labadan  xubnood oo kala ah madaxa cusub ee loo magacabaya Hay’adda CIA iyo Wasiirka Difaaca ee la magacaabay oo Ruushka ku tilmaamay dal halis ku ah ammaanka Mareykanka oo isku dayay inuu waxyeelo Doorashadii Mareykanka.

Mike Pompeo, oo ah ninka uu Trump u magacaabay madaxa CIA ayaa sheegay inuu tixgelinaayo qiimaha shaqaalaha iyo dadaalkooda ay ku xaqiijinayaan ka gungaariida siyaasiyiinta, wuxuuna caddeeyay in Ruuskhka jabsaday hannaankii Doorashada Mareyanka.

Dhinaca kale Jen.  James Mattis Trump u magacaabay xoghayaha Gaashaandhigga ayaa ku iska sheegay in uu si weyn ugu kalsoon yahay sirdoonka iyo saraakiishooda, isla markaana ay jiraan wararka ku saabsan in Ruushku saameyn ku yeeshay doorashadii Mareykanka.

Donald Trump ayaa isagu been abuur ku tilmaamay wax waliba oo sirdoonka dalkiisa ay ka sheegeen Ruushka, waxaana hadda soo baxeysa in kooxdii uu maamulkiisa u magacaabay iyo isaga ay ku kala duwan yihiin arrimo xasaasi ah.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON