Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa dalka Kuuriyada Waqooyi uga digay in ay dhibaato aad u darran la kulmi doonto haddii ay isku daydo inay waxyeleyso Mareykanka.
Mar uu ka hadlayay New Jersey ayaa Trump waxaa uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay la kulmi doonto wax aysan maleysaneyn, waxaana uu intaa ku daray in digniintii ay horay ugu jeediyeen dalkaasi aysan ku filneyn.
Trump waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in uu taageero ka heysto milateriga iyo xilibaanada aqalaka senate-ka. Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in ay qorsheneyso in afar gantaal ay ku dhufato meel ku dhaw dhulka Maraykanka ee Guam.
Kuuriyada Waqooyi waxay iska indha tiraysaa digniinihii madaxweyne Trump ee ahaa haddii ay ka baaqasan weydo tijaaboyinkan in awood loo adeegsan doono taasoo ay ku tilmaameen madaxweynaha Maraykanka mid raadinaya sabab aan jirin.
Maraykanka ayaa ku hanjabay in talaabooyinka Kuuriyada Waqooyi ay ka macno tahay dhamaadka taliskaasi.
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in Pyongyang dagaal kasta oo ay la gasho Maraykanka iyo isbahaysigiisa lagu jabin doono.
Weriyaha BBC Rupert Wingfield oo ku sugan Guam ayaa sheegaya inuu jiro dareen ah dhibaato kasta oo ka timaada Kuuriyada Waqooyi ay tahay mid afka ah, dadka intiisa badana waxay rumeysanyihiin haddii dhab ahaantii gantaalo ay ku soo weeraraan inay taasi tahay daldallaad uu isu gaystay taliska Kuuriyada Waqooyi.