Monday, June 23, 2025

Donald Trump oo Isbitaal Milateri la dhigay iyo Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladiisa caafimaad… (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd loo qaaday Isbitaalka Milateriga Walter Reed hospital ee duleedka magaalada Washington, kadib markii uu ku taliyey Dhaqtarkiisa.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xaaladda Madaxweynaha ay ku bilowdeen astaamaha cudurka Coronavvirus, taasoo sababtay in Isbitaal la dhigo si taxadir ah, waxaana ilaa saaka uu daraameyay madax xanuun darran, Daal iyo xaalad caafimaad oo aan wanaagsaneyn, iyadoo lagu duray daawada xoojisa difaaca jirka ee (Regeneron’s polyclonal antibody cocktail).

Dhaqtarka Madaxweynaha Mareykanka Dr. Sean Conley ayaa sheegay in sidoo kale Trump la siiyay dawooyinka Zinc iyo Vitamin D, Aspirin iyo dawooyin kale, ayna xaaladiisa la socdaan dhaqaatiir fara badan.

Ad

Diyaaradda Helikobtarka ah ee Marine One ayaa Madaxweyne Trump ka qaaday Aqalka cad, wuxuuna isagoo socda fuulay diyaaradda, isagoo xiran Suut iyo Af-xir (Mask), waxayna diyaaraddu geysayIsbitaalka Walter Reed ee duleedka magaalada Washington, halkaasoo uu mar kale diyaaradda ka degay si caadi ahna Gaari u gaara uu goobta ka qaaday, kaasoo Gudaha isbitaalka geeyay, waxaana Qeyb gaar u a madaxda oo ka mida Isbitaalka xaaladiisa lagula tacaali doono.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu howshiisa kasii wadi doono Isbitaalka, isla markaana aanay jirin inuu ku-xigeenkiisa Mike Pens ku wareejin awoodihiisa, xaaladiisuna ay degan tahay.

Farriin kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka hoos ka daawo

Marine One lands on the lawn of the White House on October 2 in Washington, DC.
President Donald Trump arrives at Walter Reed Medical Center on October 2 in Bethesda, Maryland.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON