Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka guuray oo isaga tegay goor dhoweyd Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka, magaalada Washington.
Trump ayaa saacado yar kadib noqonaya madaxweynihii hore ee Mareykanka, iyagoo markaasi la dhaarinayo madaxweynaha cusub ee Joe Biden, wuxuuna iska diiday inuu ka qeyb galo xil wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub.
Trump oo diiday inuu aqoonsato natiijada doorashadii looga guuleystay ayaa taariikhda ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay muddo ka badan 150 sano oo madaxweyne xilka haya uu diido inuu ka qeyb galo xafladda dhaarinta Madaxweynaha ka danbeeyay.
Diyaaradda Helikobtarka ee Marine 1 ayaa ka qaaday Aqalka cad, iyadoo aan wax sagooyin madaxweyne ah loo sameyn, wuxuuna ka degay saldhigga Base Andrews ee u dhow Washingtion, halkaas oo maamuus kooban loogu sameeyay, loona riday 21 Madfac.
Khudbad kooban oo uu jeediyey ayuu u mahad celiyey dhammaan dadkii la shaqeeyay, xaaskiisa isagoo sheegay inay wax weyn qabteen afartii sano ee uu xilka hayey, sida horumarinta ciidamada, dhaqaalaha iyo dib u habeynta canshuuraha, wuxuuna maamulka cusub uga digay inay canshuurta kordhiyaan.
“Si uun ayaan kusoo noqon doonnaa.. waxaan idin rajeynayaa nolol wanaagsan, mar dhow ayaan is arki doonnaa..” ayuu ahaa hadalkii ugu danbeeyay oo uu jeediyo isagoo madaxweyne ah.
Donald Trump ayaa doortay inuu dego, kuna noolaado Guri weyn oo ku yaalla magaalada Maimi ee Gobolka Florida.



