Tuesday, July 8, 2025

Donald Trump oo ku hanjabaadii ugu yaabka badneyd u jeediyay Dalalka diidan go’aankiisii Qudus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa  digniin yaab leh u jeediyay dalalka ka hor yimaada go’aankii uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yuhuudda.

Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil, waxayna arrintan soo baxeysaa iyado golaha guud ee Q/Midoobay uu maanta u codeynayo qaraarka Magaalada Qudus.

Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay. “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.

“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.”

Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro.

Afar iyo toban dal oo Gollaha Ammaanka ka tirsan ayaa qaraarkan oo kale isku raacay Isniintii. Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON